Calendar

Madaxweyne Shariif oo Ciidanka ugu baaqay joojinta Cuniska Qaadka

Shariifka CimaamadBartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa Ciidanka ka dalbaday in ay joojiyaan Cuniska Qaadka.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ciidanka Booliiska xilli uu khudbad u jeedinayay in ay joojiyaan cunista Qaadka iyo dhammaan maandooriyayaasha ay ciidanka isticmaalaan.

Shariif waxa uu ciidanka u sheegay in dhibaata culus ay ka soo wajahayso isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya waxaana uu sheegay in Qaadka uu qeyb ka yahay maandooriyayasha ay ciidanka isticmaalaan loona baahan yahay in ay daayaan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Qaadka uu ammaanka halis ku yahay maadaama ciidanka xiliga ay cunayaan aanay jirkooda ogayn iyadoo aanay koontorooli karin xaalada ay ku sugan yihiin.

Madaxweynaha waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidanka loo baahan yahay in ay joojiyaan isticmaalka Qaadkaasi waxaana uu xusay in looga baahan yahay sugida amniga guud ee dalka balse aan looga  baahnayn in ay isku mashquuliyaan maandooriye.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli inta badan Ciidanka Dowlada ay wax walba ka door bidaan Qaadka maalinlaha ah oo ay cunayaan waxaana taasi qeyb ka tahay nolol maalmeedka caadiga ah iyadoo ay mararka qaar qaadka helidiisa awgeed ay dad u dilaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: