Calendar

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Netherland

madax weynahenaMuqdisho(Bartamaha) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku qaabilay Safiirka dowladda Netherland ee Soomaaliya iyo wafti uu horkacayey.
Kulanka ay yeesheen madaxweyne Xasan SH iyo danjiraha dowladda Netherland ee Soomaaliya Joost Reintjes ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladda Netherland ay mashaariic horumarineed uga fulin lahayd Soomaaliya.
Safiirka dowladda Netherland ee Soomaaliya Joost Reintjes ayaa sheegay in dowladdiisu ay wado qorshe ay Soomaaliya uga hirgalinayso mashaariic horumarineed oo kala duwan,Safiirka ayaa ballan qaaday iney xiriir wanaagsan la yeelanayaan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa uga mahad celiyey dowladda Netherland mashaariicda horumarineed ee ay damacsan tahay iney ka fuliso Soomaaliya gobolada dalka.
Madaxweynaha ayaa daboolka ka qaaday in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto Mashaariicda ay ballan qaaday dowladda Netherland.

Muqdisho Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: