Tuesday, March 31, 2015

DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan SH oo Cambaareeyey weerarka Hotel Makka Al-Mukarama

hassan sheikh

Muqdisho (Bartamaha) Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarka ay Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Makka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan SH oo hadalkiisa laga sii daayey idaacada dowladda xili uu ku sugan yahay magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka Hotel Makka Al-Mukarama.

Madaxweynaha ayaa sheegay in AL-shabaab ay naf lacaari yihiin isla markaane ay joogaan heer gabagabo ah oo u baahan dhamaystir,wuxuuna farta ku fiiqay in Al-shabaab ay dagaal kula jiraan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku dooday in Hotelka la weeraray uusan ahayn xero ciidan iyo xafiis dowladeed toone.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney ka gacan siiyaan dowladda sidii loo cirib tiri lahaa kooxda Al-shabaab,Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale amray hay’adaha amniga iney adkeeyaan amniga xarumaha dowladda iyo Hotelada magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DHAGEYSO

 

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Bartamaha

Comments

comments

You may also like

0 comments

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc