Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmayay Xoghayaha Qaramada Midoobay

Isagoo ka qeybgalay kulanka 20aad ee Shir Madaxeedka hogaamiyaasha wadamada ku jira Midowga Africa Ban Ki moon ayaa waxa uu la kulmay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderalka Soomaaliya oo kuhudbad la jecleysto ka jeediyay shirkaasi.

Afhayeenka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ban  ay kawada hadleen Arrimaha Soomaaliya iyadoo Ban Ki Moon uu soo dhaweeyay hormarada laga gaaray Soomaaliya.

 Xogahayaha guuda ee Q/M ayaa ku dhiiragaliyay Madaxweynaha Soomaaliya in Awooda siyaasadeed ee dowladda uu ku balaariyo dhamaan dhulka Soomaaliya, si dowladdu ay meesha uga saarto dadka xumaha wada.

Ban Ki Moon ayaa ayaa ku booriyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in dowladiisu ay dar dargaliso Wadahadalada Maamulka Somaliland iyo wada shaqeynta Maamul goboleedka Puntland.

Xogahaya guud ee Q/M ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in dowladiisu ay ka hortagto tacadiyada loo geysanayo haweynka iyo caruurta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ka dalbaday Ban Ki moon in la kordhiyo taageerada Q/M ay siiso Soomaaliya islamarkaana la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac ka dhaxeysa.

Xasan Sheekh aya sidoo kale ka codsaday Ban Ki moon in xafiisyada Qaramada Midoobay ee ku yaalla Magaalada Nairobi loo soo raro Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: