Calendar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay In Caalamka Uu Haatan Taageersanyahay Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideestaan taageerada beesha caalamka ay u hayso Soomaaliya.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in xiligaan ay beesha caalamka ay dadaal badan ugu jirto sidii gacan weyn loo siin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo jiray dhibaatada.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  in caalamka uu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ku taageero wixii ay doonayaan in gacan lagu siiyo.

Waxaana uu ugu dambeentii tilmaamay in hada uu dhamaaday waqtigii la dhihi jiray Soomaaliya waxaan ayaa u roon anaga ayaana u doornay laakiin maantana uu arinka yahay maxey rabaan Soomaalidu oo aan kasaacidnaa islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida in ay ka faa,iideysaan dhamaan howlahaas oo idil.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkaan wuxuu warbaahinta uu siiyay ka dib markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho asgoona ka yimid magaalada kampala ee xarunta wadanka Uganda.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: