Calendar

Man United Iyo Arsenal Oo U Soo Gaaray Wareega Afaraad Ee Carling Cup, Iyo Tottenham Oo Hartay.


Sep


21


2011

Man United Iyo Arsenal Oo U Soo Gaaray Wareega Afaraad Ee Carling Cup, Iyo Tottenham Oo Hartay.

 

Seddex gool oo ay Manchester United dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa u sahashay inay u gudbaan wareega afaraad ee Carling Cup, iyagoo Elland Road ku reebay kooxda Leeds.
Michael Owen ayaa labo gool u dhaliyay kooxda heysata horyaalka Ingariiska, ka hor inta uusan Ryan Giggs hogaanka u sii dheereynin dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.
Goolashaasi dhashay qeybtii hore ee ciyaarta ayaana dilay kulankaas, taasoo u ogolaatay in tababare Sir Alex Ferguson uu kulamadoodii ugu horeysay siiyo ciyaartoyda Paul Pogba iyo Larnell Cole.

Danny Welbeck ayaa sidoo kale keydka ka soo kacay, iyadoo uu ka soo laabtay dhaawac ka soo gaaray kulankii Arsenal.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa gool looga hormaray waxa ay ugu bedeshay kooxda  Shrewsbury Town seddex gool taasoo u sahashay inay u soo gudbaan wareega 4aad ee Carling Cup.

Kooxda martida aheyd ayaa gool kaga naxsaday taageerayaashii Emirates Stadium markii ay ciyaarta socotay 16 daqiiqo, ka dib markii James Collins uu gool madax kaga dhaliyay.
Si kastaba, labada kooxood ayaa barbaro noqday markii uu Kieran Gibbs dhaliyay goolkii barbaraha isagoo karoos ka helay Carl Jenkinson, waxaana ay Arsenal dishay ciyaarta qeybtii danbe ka dib markii ay labo gool u kala dhaliyeen ciyaartoydii xagaagan ku soo biirtay Alex Oxlade-Chamberlain iyo Yossi Benayoun.
Dhinaca kale Stoke City  ayaa rigoorayaal 7-6 ah ku garaacday kooxda Tottenham oo ka hartay koobka Carling Cup ka dib markii 120kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.
Kulankii ugu horeeyay ee labadan kooxood ay ku kulmaan koobkaan ayaa ugu danbeyntii la isla gaaray rigoore, iyadoo Spurs uu rigooradii u danbeysay ka qasaariyay ciyaaryahankii kulankiisa ugu horeeyay ciyaarayay Massimo Luongo, taasoo kaliftay in Spurs ka harto koobkan.
Kulamada Carling Cup ee la ciyaaray:




[Translate]

No related posts.

No responses yet

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: