Published On: Wed, Sep 21st, 2011

Man United Iyo Arsenal Oo U Soo Gaaray Wareega Afaraad Ee Carling Cup, Iyo Tottenham Oo Hartay.

Share This
Tags


Sep


21


2011

Man United Iyo Arsenal Oo U Soo Gaaray Wareega Afaraad Ee Carling Cup, Iyo Tottenham Oo Hartay.

 

Seddex gool oo ay Manchester United dhalisay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa u sahashay inay u gudbaan wareega afaraad ee Carling Cup, iyagoo Elland Road ku reebay kooxda Leeds.
Michael Owen ayaa labo gool u dhaliyay kooxda heysata horyaalka Ingariiska, ka hor inta uusan Ryan Giggs hogaanka u sii dheereynin dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.
Goolashaasi dhashay qeybtii hore ee ciyaarta ayaana dilay kulankaas, taasoo u ogolaatay in tababare Sir Alex Ferguson uu kulamadoodii ugu horeysay siiyo ciyaartoyda Paul Pogba iyo Larnell Cole.

Danny Welbeck ayaa sidoo kale keydka ka soo kacay, iyadoo uu ka soo laabtay dhaawac ka soo gaaray kulankii Arsenal.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa gool looga hormaray waxa ay ugu bedeshay kooxda  Shrewsbury Town seddex gool taasoo u sahashay inay u soo gudbaan wareega 4aad ee Carling Cup.

Kooxda martida aheyd ayaa gool kaga naxsaday taageerayaashii Emirates Stadium markii ay ciyaarta socotay 16 daqiiqo, ka dib markii James Collins uu gool madax kaga dhaliyay.
Si kastaba, labada kooxood ayaa barbaro noqday markii uu Kieran Gibbs dhaliyay goolkii barbaraha isagoo karoos ka helay Carl Jenkinson, waxaana ay Arsenal dishay ciyaarta qeybtii danbe ka dib markii ay labo gool u kala dhaliyeen ciyaartoydii xagaagan ku soo biirtay Alex Oxlade-Chamberlain iyo Yossi Benayoun.
Dhinaca kale Stoke City  ayaa rigoorayaal 7-6 ah ku garaacday kooxda Tottenham oo ka hartay koobka Carling Cup ka dib markii 120kii daqiiqo ee ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.
Kulankii ugu horeeyay ee labadan kooxood ay ku kulmaan koobkaan ayaa ugu danbeyntii la isla gaaray rigoore, iyadoo Spurs uu rigooradii u danbeysay ka qasaariyay ciyaaryahankii kulankiisa ugu horeeyay ciyaarayay Massimo Luongo, taasoo kaliftay in Spurs ka harto koobkan.
Kulamada Carling Cup ee la ciyaaray:




[Translate]

No related posts.

No responses yet

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Anti-Spam Protection by WP-SpamFree

 



Bartamaha is a SMO Company [ Somali Multimedia Organisation ]  



Our Partners
Raxanreeb
Soomaalo

Somali Websites
Hiiraan
AllPuntland
Jowhar

Somali Radios
VOA Somali
BBC Somali

International
Al Jazeera English
Al Jazeera Eng. LIVE

CNN
New York Times
Time Mag
Newsweek
Huffington Post
Daily Mail


var tb_pathToImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/loadingAnimation.gif";var tb_closeImage = "http://www.bartamaha.com/wp-includes/js/thickbox/tb-close.png";