Calendar

Man United Oo War Farxad Leh Ka Heshay Vidic

Bartamaha - Daafaca adag ee Man United ayaa ku soo laabtay garoomada ka dib makii uu ka soo caafimaaday dhaawacii lugta ahaa ee uu ka sheeganayay iyadoo Sir Alex uu sheegay in uu ka qeyb gali karo kulanka ay la leeyihiin Sanderland .

Laacibkaan reer Serbia ayaa 10-kulan oo horyalka ingiriska ah ciyaaray bilaawgii xilli ciyaareedkii hore sababa la xariira laba dhaawac oo bowdada lugta ah balse haatan diyaar ayuu u yahay in United ka soo muuqdo ka dib sedex bil ah ka dib.

Sir Alex ayaa sheegay in soo laabashada Vidic ay caawineyso awoodda daafaca kooxda oo xilli ciyaareedkaan aad u jilicsan isla markaana shabaqooda ay taabteen goolal badan.

____

Bartamaha

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ].
« »

Comment: