Calendar

Manchester United Oo Sedexleey Uga Talaabsatay Sunderland Hogankeedana Dhakab Dhahday & Liverpool Oo La Xanunjiyay

U

Robin van Persie, Tom Cleverley iyo Wayne Rooney Goolal ay dhaliyeen ayaa kaafi ku noqday kooxda Manchester United inay hogaankooda kusoo xajistaan kulankii ay ku qaabileen qalcada Old Trafford  Kooxda Sunderland waxaana ay uga farxasheen 3-1 .

Manchester United ayaa goolka ugu horeeya heshay  daqiiqadii 16aad, waxaana kubad uu soo farsameeyay Ashley Young shabaqa la helay Robin van Persie  wax yar ka dib ayaa goolka labaad uu yimid markaasoo uu dhaliyay  Tom Cleverley   waxaan qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ay ku hayeen Man united.

Markii la isku soo laabtay qeybtii danbe ciyaarta ayaa goolka sedexaad helen waxayna dhaliyeend daqiiqadii 59aad , oo uu u dhaliyay Wayne Rooney  waxaana kooxda Sunderland ay la timid gool u ekaa Niyad dhis waxaana u dhaliyay  Campbell daqiiqadii 72aad ee ciyaarta , sidoo kale kaptan   Nemanja Vidic  ayaa badal kusoo galay ciyaarta oo labaatan daqiiqo ay kadhiman tahay  ayadoo ciyaarta ay kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday United oo wali hogaanka ku naalooneysa .

Dhanka kale Kooxda Liverpool ayaa guul daro xanuun badan ay kasoo gaartay kooxda  Aston Villa  Waxaana looga badiyay 3-1 ciyaar ka dhacday qalcada Anfield.

ayadoo kooxda ku ciyaarta Anfield ee liverpool ay tani u tahay mid xanuun badan madaama lagu ciyaarayay gurigooda ,waxaana ay haatan leeyihiin   ,22 dhibcood ayaga oo  usii dhacay  kaalinta 12aad, halka Aston Villa ay leedahay 18 dhibcood waxaana ay soo kaceen kaalinta 14aad.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: