Calendar

hordhac:maxaa kala heeysto Xulalka itoobiya v nigeria ee isreebreebka koobka adduunka

Xulka heysta Koobka Qaramada Afrika Nigeria ayaa u safri doona Ethiopia iyagoo kalsooni ay ka buuxdo ka hor kulanka lugta hore ee wareega ugu danbeeya Isreebreebka Koobka Adduunka ee Qaarada Afrika.

Xulka Stephen Keshi ayaa wareegii group-yada ee isreebreebka uga soo baxday iyagooo aan marnaba dhinaca dhulka dhigin seddex kulan oo ay badiyeen iyo seddex kulan oo ay barbaro galeen.

Daafaca Solomon Kwambe ayaa aaminsan in moraalka xulka uu u dhisan yahay madaama ay bishii Febraayo ku guuleysteen Koobka Qaramada Afrika.

“Waxaan nahay kooxda heysata Koobka Afrika” ayuu yiri. “Waana qasab inaan soo bandhigno waxyaabihii inaga dhigay boqorada Afrika, waa hubaal guul waan ka gaari doonaa Itoobiyaanka.

“Guul ayaa wajiga uga qoran qof walba, ciyaartoyda oo dhan waa ay dhoolacadeynayaan, taasoo cadeyn u ah in nasiibkana uu nala dhoolacadeyn doono axada.

“Jawiga xerada tababarka ah ayaa inaan guul la yaqaano ka gaareyno Ethiopia.”

Inay u soo baxaan Koobka Adduunka waxa ay la micno noqoneysaa markii shanaad ee Nigeria ay u soo baxdo Koobka, halka Ethiopia haddii ay soo baxdo ay u noqon doonto markii ugu horeysay abid ee ay u soo baxdo Koobka Adduunka.

Tababaraha xulka Itoobiya Sewnet Bishaw ayaa waxaa ka maqnaan doona Getaneh Kebede kaasoo dhaawac canqowga qaba, laakiin waxa uu kalsooni ku qabaa in kooxdiisa ay ka maarmi karto Kebede.

“Waxaa inaga maqan ciyaaryahan fiican laakiin koox ahaan waa inaan hore u socono” ayuu yiri.

Bishaw ayayna u badan tahay in Saladin Said Ahmed uu u adeegsan doono weerarkiisa iyadoo Saladin uu sida Kebede dhaliyay afar gool wareegii group-yada isreebreebka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: