Calendar

Maraykanka oo soo dhaweeyay Maamulka looga dhawaaqay goboladda dhexe

mudug galguduud 2

Dowladda Maraykanka ayaa soo dhowaysa dhismaha maamul ay ku baheeysan yahiin Gobollada Gal-gudud iyo Koon furta Mudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo afmeertay shir sadex geesood ahaa oo la sheegay in dhowrka maamul ee ka arimiya goboladda dhexe oo ka mid yahiin Ximin iyo Xeeb, Galmudug iyo Ahlu-Sunna wal jameca ku gareen heshiis lagu dhisayo hal maamul oo ka arimin doona goboladdan kaas oo meeshana ka saari doonaa maamuladan badan.

Warbixin kasoo baxaday Safaarada maraykanka ee ku taala Nairobi ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad uu soo dhawaynayo qorshaha la doonayo in lagu mideeyo maamulada ka jira qaybo ka mid ah goboladda dhexe.

“Dowladda Maraykanka waxay soo dhawaynaysaa heshiiskan muhiimka ah waxaana sidoo kale rajaynaynaa in dhismaha maamulada ay sii socondoono,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada maraykanka ee ku leedahay Nairobi.

Dowladda Maraykan ayaa dhawaan shaaciyay inuu xiriirkii Soomaaliya uu la lahaa inuu soo celinayo kol mudo ka badan 20-sano uu kala go’naa xiriir kadib markii Madaxwayne Barack Obama sheegay in Safiir u magacaabayo Soomaaliya

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: