Calendar

Maraykanka oo xaqiijiyey in duqayntii ay ka geysteen Soomaaliya ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

maraykankaWashington(Bartamaha) Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in duqayntii ay diyaaradaha aan duliyaha ahayn ay ka geysteen gobolka Gedo ee Soomaaliya ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa amniyaadka AL-shabaab

Afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca ee dowladda Maraykanka oo lagu magacaabo Steven Worded ayaa xaqiijiyey in duqayntii ay diyaaradahoodu ka fuliyeen dalka Soomaaliya iney ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Afhayeenkan u hadlay wasaaradda Difaaca Maraykanka ee The Bentagon ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab,afhayeenka ayaan xusin magaca Sarkaalka ay dileen.

Afhayeenka u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa intaa ku daray in duqaynta ay fulisay diyaarad nuuca Drones-ka aan duuliyaha lahayn ee wadanka Maraykanka,Steven ayaa sheegay iney tafaasiil buuxda ka bixin doonaan maalmaha soo socda.

Dowladda Maraykanka ayaa  sare u qaaday duqaymaha cirka ah ee ay ka geysaneyso Soomaaliya waxaana tii u danbeysay lagu dilay Aadan Garaar oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab dabayaaqadii sanadkii hore ayey markii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay gobolka SH/hoose ku dileen hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

 

Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc