Calendar

Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digay inay u safraan Somaaliya.

Dowladda mareykanka ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa waxa ay kaga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameyn inay ka muuqaneyso qatar dhanka amaanka ah.

Mareykanka ayaa xaalada Soomaaliya ku tilmaamay in haatan aanu galin isku halayn,islamarkaana muwaadiniinteeda ugu digayaan inay ka fogaadaan u safritaanka goobaha fog fog ee qatarka ka dhalan karto tusaale ahaan falalka isugu jira afduubka dilalka iyo waxyaabo kale oo qatar u keeni karo nafsadooda.

Sidoo kale waxa ay Mareykanka aad ugu celceliyay in Gobalada Soomaaliya aysan xaaladooda wanaagsaneyn ,la isku halayn karin ayna dhici karto in falal laga digtoon yahay ay ka dhacaan.

Ugu danbeyn Mareykanka ayaa warbixinta ku sheegay hadii muwadiniintu ay ku dhiiradaan inay u Safraan Somaaliya ay kula talinayaan inay iska diwaangaliyaan Safaarda mareykanka ku leeyihiin magaalada nairobi kahor inta aysan u safrin Dalka Somaaliya

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: