Calendar

Marwada Ra’isal Wasaare Saacid oo deeq Gaarsiisay Barakacayaal

Marwada Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Caasho Xaaji Cilmi ayaa Maanta waxa ay deeq kala duwan Gaariisay Mid Ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Marwada Ra’isal Wasaaraha ayaa deeqda ay La gaartay dadkaasi danyarta ah waxaa ay u badnaayeen dhar iyo Bustooyin ay aad ugu baahnaayeen Barakacayaashaasi iyagoo laga dheehan Karay sida ay ugu Faraxsanyihiin deeqdaasi.

Qaar Ka mid ah dadkaasi Baralacayaashaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa uga Mahad Celiyay Xaaska Ra’isal Wasaare Saacid sida wadaniyadda leh ay ugu soo Damqatay walaaleheeda iyagoo qiray in ay aad baahi ugu qabeen deeqda Maanta la Gaarsiiyay.

Dhinaca Kale Marwada Ra’isal Wasaaraha Laf ahaanteeda oo ka hadashay deeqdaasi Maanta ay Gaarsiisay Mid Ka mid ah Kaamamka Barakacayaasha Muqdisho ayaa sheegtay in ay aad uga Damqatay dhibaatada haysata dadkaasi Tabaaleysan iyadoo dhanka kale ku dheeraatay Ka hadalka dhibaatooyinka heesata Haweenka Soomaaliyeed Gaar ahaan falalka Kufsiga ah ee Loogeesto Gabdhaha Soomaaliyeed.

Deeqdani Maanta Marwada Ra’isal Wasaaraha ay lagaartay Xeradaasi ay Ku Jiraan dadkaasi Barakacayaasha ah ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli dhibaatooyin kala duwan ay ladaalla dhacayaan Barakacayaasha Ku nool Xeryaha Muqdisho.

Marwalada Ra’isal Wasaarah ayaa dadka yaqaan waxa ay ku tilmaamaan mid qiimo wadani nimo huwsan iyadoo ay xusid Mudantahay in mar ay ku Guuleysatay Billad Sharafeedka Nabadda oo Taariikh Wacan ay ugu soo Hoyday Haweenka Soomaaliyeed

 

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: