Calendar

Marxuumiinta Liibaan Cali Nuur Iyo C/sataar Daahir Sabriye Oo Maanta Muqdisho Lagu Aasay

Aaska marxuumiinta Liibaan Cali Nuur iyo C/Sataar Daahir Sabriye oo ka kala dhacay qabuuraha Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo isbitalka Madiina ee magala Muqdisho waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta bahda saxaafadda iyo ehelada marxuumiinta.

C/sataar Daahir Sabriye waxaa lagu aasay qabuuraha isbitaalka Madiina halka Liibaan Cali Nuur lagu aasay qabuuraha Jasiira ee duleedka magalada Muqdisho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cali Yuusuf  Bahlaawi oo kula haday warbaahinta halka uu aasku ka socday ayaa uga tacsiyadeeyay ehelada iyo asxaabta ay ka bexeen halgamayaashaasi qaran.

Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa iyana dhankooda ku adkaystay inaanay marnaba ka dabci doonin go’aankooda ah inay bulshadooda u gudbiyaan xaqiiqda dhabta ah ee uu dalkoodu ku sugan yahay iyo micnaha dawladnimo.

Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur  iyo C/sataar  Daahir Sabriye waxay ahaayeen dhalinyaro fir fircoon oo jeclaa in dadkooda ay ku noolaadaan nabad qalbiyadooduna ay ku waynayd inay dad kooda gaarsiiyaan heer qofkastaahi halka uu jooga uu ka gutto waajibka qaran ee saaran waxaana la xaqiri karin marnaba in labadaasi marxuum ee qaaliga ah ay ahaayeen dad ay niyadeedu ku wayntahay in la ilaaliyo diinteena islaamka qaranimada wadanka iyo nolosha shacabka soomaaliyeed balse waxaa idlaaday waqtigii  uu alle ugu tala glay in ay noolaadaan.

Hase yeeshee waxaa shacabka soomaaliyeeed aanay al-shabaab kula yaabeeyn ciribtirka ay cirib tirayaan waxgalka soomaaliyeed iyagoo sheegtay dilka muwaadininta maanta la aasay taa oo ka hor imanaysa ayaadka oo ilaah noogu sheegay in qof waliba uu ku bixidoono waqtigiisa lagana dib dhigayn loona dadajinayn.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: