Calendar

Masuuliyin katirsan Puntland iyo Dadka deegaanka Laasqoray oo ka shiray sidii ay uwada shaqayn lahaayen (Daawo VIDEO)

Laasqoray_ Wafdigii ka socday Puntland ee gaaray degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa bulshada degmada la qaatay kullan ku aadan sidii ay ula shaqaynlahayen dowlada Puntland.

Kullanka ay yeesheen masuuliyinta Puntland ee gaaray Laasqoray iyo bulshada degmada ayaa looga hadlay arrimo dhowra oo ku aadan sidii ay wada shaqayn udhexmari lahayd shacabka deeganka iyo dowlada.

Dadweynaha kunool Laasqoray ayaa ku dhaliilay dowladihii soomaray Puntland inay ka gaabiyeen sidii wax muuqda loogu qaban lahaa deegaanka, waxayse ka codsadeen dowlada Cusub inay latimaado tallaabo lagu hormarinayo deegaanka.

Dhinacooda masuuliyinta gaaray degmada oo ay kamid yihiin guddomiyaha gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo wasiiru dowlaha dekeddaha iyo gaadidka badda Puntland Axmed Siciid C/raxmaan, ayaa bulshada ubalan qaaday in dowladu waxqabad muuqada ka samayn doonto deeganka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Masuuliyinta Puntland iyo Dadka Deeganka.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: