read more »">
Calendar

Maxaa ka qaldan Dowladda Soomaaliya? “Qormo Xiiso leh”

logo-somaliaDowladda Federaalkla Soomaaliya ayaa waxaa qaladaadka ugu badan iyo Caqabadaha hortaagan waxa ay yihiin kuwo kaga imaada dhanka iyo sharciga dalka u yaalo kaa oo inta badan Dowladdu aysan u fulin sidii loogu talagalay.

Dowladda ayaa waxa ay leedahay Dastuur in badan laga soo shaqeeye looguna talagalay in ay ku shaqeyso balse Su’aashuu waxa ay noqoneysaa maku dhaqantaa dastuurkaasi? Runtii Jawaabta ayaa ah Maya.

Dhanka kale Madaxda dalka oo la rabay in ay ka war-hayaan guud ahaan Umada Soomaaliyeed ee ku kala nool Dibadaha iyo Dalka ayaa ah kuwo xataa aan ka warheenin hoygoodii ay seexan lahaayeen iyo waxa uga horeeyo, waxaana Inta badan Caasimada Muqdisho ee Soomaaliya gaar ahaan aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka dhaco waxyaabo marka aad eegto aanan macquul kula noqoneenin, waxaana inta badan Madaxda ay yihiin kuwo laftooda kala baqo oo misna meel isla wada joogo.

Marka aad eegto Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwo Magaaladda Joogo ayaa waxa ay yihiin kuwa aanan jirin cid Koontaroosho waxa ay doonaana iska sameeyo waxaana jiro Askar ku labisan dharka shacabka misna qorigii wato.

Shacabka iyo Askarta Dowladda ayaa waxa ay yihiin kuwo dhib isku qabo maadaama askarigii uusan kala garaneenin Cida cadawga ku ah iyo kan aan cadawgiisa kala aheyn waxaana dhacdo in askariga uu shacabkii iska ilaaliyo shacabkiina askariga marka ay arkaan hoos ka habaaraan oo ay ka baqaan.

Waxaad arkeysaa in hey’adaha ka shaqeeyo Amniga shacaka ay ka dalbanayaan in ay la shaqeeyaan hadana ay dhaceyso in ninkii lagu cadeeyo in uu yahay Al-shabaab oo la xero islamarkiiba uu garab istaagayo nin sheeganayo in uu yahay Siyaasi oo Madax ah lacagna ku bixinayo sidii lagu soo deyn lahaa (Hadaba masuura galbaa in qofka Shacabka ah uu soo sheego qof Al-shabaab ah asagoo og in bari lasoo deenayo? Mase jirtaa qofka shacabka ah hadii uu warbixin soo gudbiyo qofkii uu soo sheegayna lasoo daayo cid asaga amaankiisa Ilaalineyso? Jawaabtu waa Maya.

W/Q: Wariye Staff

Mogadishu–Somalia

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: