Calendar

Maxamed Ibraahim Xaabsade “Weerarka aan ku qabsan lahayn Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo waa diyaarsan yahay maalmo kooban ayaan ku tagaynaa….”.

xabsdeBartamaha(Muqdisho):-Wasiirka Beeraha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dowlada ay diyaar garow samaysay islamarkaana ay dhawaan la wareegi doonto ammaanka guud e dalka Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in la diyaariyay dhammaan Ciidamada Dowlada si ay dalka ammaankiisa ugala wareegaan Kooxda Argagixisada haatan haysata sida uu saxaafada u sheegay Wasiirka Beertaha.

Wasiirka ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay dadka Soomaaliyeed Dowlada uga baahantahay in ay kala shaqeeyaan dhanka ammaanka guud islamarkaana dhawaan ay isbadal balaaran ku samaynayaan ammaanka dalka.

“Weerarka aan ku qabsan lahayn Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo waa diyaarsan yahay maalmo kooban ayaan ku tagaynaa…waxaana diyaar ah Ciidamada iyo saraakiishii hogaamin lahayn howlgalka dalka looga sifaynayo Al-qaacidada soo duusha….”ayuu yiri Wasiirka Beeraha.

Wasiirka Beeraha ayaa sheegay in xiligan la gaaran waqtigii culeyska laga dulqaadi lahaa shacabka daalan ee dagaalka uu saameeyay isagoo ku baaqay in loo diyaar garoobo soo dhaweynta Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: