Calendar

Maxkamad ku taala Mombasa, Kenya oo lasoo taagay Soomali sharci daro ku joogta dalkaas (sawirro)

Mombasa _Soomali farabadan ayaa lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Mombasa kuwaasi oo loo haysto inay qaab sharci daro ah kusoo galeen dalka Kenya.

Soomalida lamaxkamadeeyay oo ay ku jiraan caruur yar yar ayaa lagusoo qabtay hawlgal ay ciidamadu ka sameeyen xarunta Dugsiga Muxamadiya oo kuyaala Islaamic School oo kuyaala degmada Kwale.

Booliska ayaa la sheegay inay heleen xog ku aadan in ardayda dhigata dugsigasi la barao casharo la xiririira xagjirnimada, sidasina waxa sheegay taliyaha Boliska degmada Kwale, Richard Mugwai.

Maxkamada ayaa sii daysay 41- Caruura, iyadoona xabsiga lagu hayo hooyoyinkii dhalay, dadka lamaxkamadeeyay ayaa tiradoodu gaaraysaa ku dhowaad 94- qof oo Soomali ah.

Waxaa jiray labbo nin oo Somaali ah kuwaasi oo malintii shalay iyagana la horkeenay maxkamada, kuwaasi oo ku eedaysnaa inay la shaqeeyaan Al-shabaab.

gaariga l qabtay

Ragaan ayaa la qabtay iyagoo lasocda gaari uu usaarnaa hub iyo walxaha qarxa, waxaana la sheegay inay doonayeen inay qarxiyaan dhowr meelood oo katirsan dalkaasi.

hubka

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya xili muddoyinkii dame ay ka socdeen magaalada Mombasa hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

www.Bartamaha.com.

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: