Calendar

Mo Farah oo ku haminaaya qaadida Bilada Dahabka tartanka Commonwealth Games 2010

DV810393Bartamaha (London):- Ciyaaryahanka ku dheereeya Ciyaaraha Orodka ayaa raja xoogan la soo derestay markii uu guula badan ka gaaray ciyaara dhawana dhacay.

Maxamed Faarax ayaa ciyaarihii lagu qabtey bishii hore ee magaalada Barcelona dalka Spain qaaday biladaha dahabka oradada dhaadheer, islamarkaana todobaadkii la soo dhaafey dhigay record cusub kadib markii uu jabiyay saacadii hore (long-standing  British record).

Labo bilad dahablaha horyaalka oradada 5,000mitir iyo 10,000mitir European champion-ka 2010 ciyaaryahan Maxamed Faarax ayaa doonaya inuu markale ku guulaysto tartanka cayaaraha Commonwealth Games oo lagu wado in lagu qabto bisha Oktobar magaalada Delhi dalka India.

Liiska ciyaartooyda dalka England uga qayb galaysa tartanka ka furmaya bisha Oktoobar oo shalayto la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah 3 ciyaaryahan oo haysato biladaha dahabka European-ka xulka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa la filayaa oradada  5,000mitir iyo 10,000mitir tartan adag kula gali doonaa garoomada magaalada Delhi ciyaaryahanada u dhashay dalka Kenya oo lagu yaqaan inay raxan raxan uga soo qayb galaan tartamada kadibna hantaaan biladaha kaalimaha 1aad,2aad iyo 3aad.

Maxamed Faarax hada waa ninka haysta biladaha dahabka oradada 5km iyo 10km ee Yurub 2010 laakinse tartankaan ka dhici doono magaalada Delhi, waxaa ka soo qayb gali doono ciyaaryahano qatar ah oo haysta horyaalka aduunka iyo kan Olampikada, taasoo lagu kale ogaan doono farqiga u dhaxeeya awooda ciyaaryahanada ka orda dalalka Yurub sida Mo Farah oo kale iyo kuwa Afrika ka yimaada sida kuwa Kenyaanka oo kale.

Maxamed Faarax  oo u ordaya dalka Ingiriiska ahna wiil Soomaaliyeed,ayaan u rajaynayaa inuu kaalinta koowaad ka soo galo tartanka cayaaraha Commonwealth Games insha Allah.

W/D: Yusuf Yusuf

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, Sports, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: