Calendar

Xildhibaan labaad oo lagu dilay Moqdisho maanta

 

Mudane ka mid xildhibanada dowlada Somalia  oo lagu magacaabi jirey  Xildhibaan Maxamuud Cali Dhuux , ayaa waxa manta galinki hore  lagu dilay dagmada  dharkayn lay gaar ahaan xafada Dabakaya  madow oo kamid ah xafadaha ay ka kooban tahay dagmada dharkayn lay ee magalada muqdisho

Mudanahaan ayaa waxaa la sheegay inay dilka u gaysten kooxo hubaysan oo afka soo duubtey, marxuumkan ayaa lagu soo weeararey  howgiisa uu ka dagan yahay magalada muqdisho

dhinaca kale dad goob joogayaal ahaa ayaa  warbahinta  bartamaha u sheegay in kooxahasi dilka gaystey ay ka fakadeen goobtaas ayago la shegay inay kaga fakadeen  gaari nooca raaxada ah, dhinaca kale mudo kooban kadib falkasi marka u dhacey  ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska somaliyeed  ayaga oo indha indheyey sida ay wax u dhaceeb

Marxuumkan ayaa la sheegey in uu kusoo  jeeday aqalka barlamaanka Somalia marka dilka loo gaystey oo manta xildhibaanada kulan kulahayeen halkasi,

Xildhibaankan ayanan ahayn xildhibaankii ogu horeyey  ee mudo 24 saac ah lagu dilo magalada  muqdisho, shalay ayay ahayd markii la dilay alle ha u naxariiste xildhibaan Isaaq Maxamed halka xildhibaanka kale oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Dhuux lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay gaysten kooxo anan la aqoon haybtooda

Ugaarsigan loo gaysanayo xildhibaanada somaliyeed ayaa waxa ay kusoo beegmayaan ayadoo  ay caasimada Somalia muqdisho uu kasocdo kulan looga arinsanayo xalada amaan ee dalka Somalia shirkaasoo  galay malintisi sadexaan manta,

Shirkan ayaa waxa ka hadlay madax dhaqameed, culimaa owdiin iyo madaxda dowlada Somalia, saraakisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada somaliyeed

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: