Calendar

Munaasabad lagu xusay 45guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka Asluubta oo Muqdisho lagu qabtay

asluubtaaMuqdisho(Bartamaha) Munaasabd ballaaran oo lagu maamusayey xuska 45guuradii kasoo wareegtay aas aaska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya .
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay saraakiisha ugu saraysa ciidamada Asluubta,Booliska iyo Milateriga Soomaaliya,xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo madaxweyne Xasan SH Maxamuud.
Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa goobta kusoo bandhigay gaadda ka ciyaar ay jecleysteen marti sharaftii munaasabadda ku sugnayd waxayna goobta salaan sharaf kusiiyeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Gen. C/qaadir SH Cali Diini oo madasha ka hadlay ayaa hambalyo u diray saraakiisha,saraakiil xigeenka iyo dablayaasha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in ciidanka Asluubtu ay yihiin ciidan ka qayb qaata dhismaha dalka iyo kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo gabagabadii munaasabadda hada dheer ka jeediyey ayaa u hambalyeeyey ciidanka Asluubta,wuxuuna sheegay iney yihiin ciidan isku tashaday oo go’aansaday inuu horumar ku tallaabsado,wuxuuna u ballan qaaday iney dhan walba ka taageerayaan ciidanka Asluubta.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: