Calendar

Muqdisho oo dagan iyo Bakaaraha oo cidla ah.

duqeynartamaha (Muqdisho):- Magaalada Muqdisho ayaa maanta jawi daganaansho u muuqda laga dareemayaa ka dib saddex Cisho oo dagaala culus ay ka socanayeen xaafadaha Magaalada.

Deegaanada dagaalka xooga badan uu ka dhacayay ayaa waxaa ka mid ahaa Degmooyinka Hodon,Wardhiigley,Howl-Wadaag,Shibis iyo Boondheere oo dhammaan aad ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Dagaalka oo ay Alshabaabka hor boodayeen ayaa waxa uu ahaa mid ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan deegaano Muhiim ah waxaana dhowr jeer laga celcelinayay Wadada Makka Al Mukarama.

Saddexda maalin ee uu nsocanayay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100-ruux halka 200-ka badana ay weli yihiin kuwa yaala isbitaalada Magaalada Muqdisho iyo qaar loo qaaday dalka Dibadiisa.

Qaraxii Musiibada ahaa ayaa waxaa ku dhintay kaligiis in ka badan 35-ruux halka tira intaasi ka badan ay dhaawac yihiin waxaana arintaasi ay noqotay dhacda xanuun badan oo soo martay Dowlada KMG ah.

Dhanka kale dagaalkii shalay ugu danbeeyay ayaa waxa uu ahaa mid qasaara badan dhaliyay balse waxaa saacadihii hore guula gaaray Alshabaab oo qabsatay dhul badan sida agagaarka Taalada Sayidka wallow markii danbe la iska caabiyay.

Hadda xaalada waa ay dagantahay  waxaana la dareemayaa jawi daganaansha ah oo aan gaca sidaasi ah ku taagnayn marka loo eego xaalada ka taagan wadada isku xerta Bakaaraha iyo Dabka oo rasaas ay ka dhacayso.

Suuqa Bakaaraha oo ah goobta ugu badan ee shacabka magaalada ay ku la’daan ayaa cidla ahaa labadii maalmood ee la soo dhaafay iyo Maanta oo aanay jirin wax dhaqdhaqaaq buuran ah oo ka jira suuqa.

Gudaha suuqa ayaa lagu arkayaa Rag Ajaanib cadaan u badan iyo Maleeshiyada Soomaalida ah ee Alshabaab oo suuqaasi gaaf wareegaya waxaana ay qabqabteen dhowr qof ay ku sheegeen jawaasiis lamana garanaayo halka ay la aadeen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: