Muqdisho oo maanta Qaad la’aan ka dhacday.

Posted on Sep 6 2010 - 3:10pm by News Desk
Tweet
Pin It

qaadkaBartamaha (Muqdisho):- Qaad la’aan ayaa maanta si toos ah uga dhacday guud ahaan Magaalada Muqdisho markii Xizbul Islaam diiday  in ay gawaarida soo qaadaan Qaadka.

Madaalada Muqdisho ayaa maanta laga waayay Qaad ka dib markii gawaarida loo diiday in ay u gudbaan Deegaanka No.50 markii gawaarida laga dalbaday bixinta lacag dhan 500-Sh.Soomaali ah oo u dhiganta ku dhawaad 20-$.

Gawaarid ayaa waxa ay ka quusteen in ay ka gudbaan Degmada Afgooye markii ay ku cuslaatay lacagta ay Xizbul Islaam ka dalabadeen taasi oo qasab ka dhigtay in maanta Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay laga waayo Qaad la iibsado.

Qaadka oo sida muuqataa ka mid noqday Nolosha dadka caadiga ah ayaa waxaa ku nool Haween Caruurtooda ka biisha iyo dad badan oo si aad ah ugu tixan suuqyada Qaadka oo malainle u cuno Qaadka.

Sargaal u hadlay maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa waxa uu sheegay in aan Afgooye la soo marsiin doonin Qaad danbe illaa ay ganacsatada qaadka ogolaadaan bixinta lacagtaasi oo ah mid Canshuur ah.

Inta badan Maamulada Islaamiga ah ayaa waxa ay si dadban u mamnuuceen Qaadka waxaana dadbka badankood ay ka caageen in ay qaadka ku cunaan wadooyinka iyo goobaha qaar gudaha dhulka ay maamulaan islaamiyiinta.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]