Calendar

Nabad Sugida oo wada baaritaano

Hay’ada Nabad Sugida qaranka ayaa tan iyo saakay waxa ay ka wadaa magalada Muqdisho baaritaano ay ugu daba jirto kooxo ay ku eedeynayso iney amaan dari abuurayaan.

Taliyaha nabad Sugida iyo madaxa Nabad Sugida Muqdisho ayaa howlgalada horkacaya, waxana ay si gaar ah uga dhacayaan Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Suuqa Bakaaraha.

Ilaa hada waxa la sheegayaa in lasoo qabtey dad badan oo lagu eedeyay iney xiriir la leehyihiin kooxda Al Shabaab oo haystay hub iyo waxyaalaha qarxa.

Sidoo kale Taliyaha hay’adda nabad sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo saxafada la hadlay ayaa sheegay iney ku raad joogaan dadkii diley gudoomiyihii ganacsatada Bakaaraha Axmed Nuurre Ow-diini.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: