Calendar

Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Boosaaso

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Maanta Nabadoon caan ah waxa ay Ku dileen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kaasi oo Lagu Magacaabi Jiray Suldaan Muuse Afrax Onkod ahaana Suldaanka Beesha Ugaar Saleebaan.

Kooxaha dilka Geestay ayaa isaga baxsaday Goobta sida Warbaahinta ay u sheegeen dad deegaanka ah iyadoo ay ka gaabsadeen Saraakiisha ammaanka Maamulka Puntland dilka Sarkaalkaasi.

Howl Gallo Ballaaran ayaa Ciidamada Puntland waxa ay ka wadaan Xaafadaha ka og dhow Meesha uu dilku ka dhacay iyagoo dad u badan dhalinyaro ku soo qabtay Howl Galkaasi.

Lama Oga sababaha ka dambeeya dilka Suldaanka iyadoo dad Goob Joogayaal ah oo warbaahinta uga warbixiyay dilkaasi ay sheegeen in dabley bastoolado ku hubeysan dilkaasi ay geesteen.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: