read more »">
Calendar

Nairobi – Inqaasta Yusuf-Garaad

Nairobi ayaan gaaray. Sidii wax igu cusub ayay noqotay in aan subixii bixi karo aniga oo aan cidna weydiin su’aalahan:

Xalay maxaa dhacay?

Saaka xaaladda ammaanku waa sidee?

Meel hebel ma la aadi karaa?

Waxaa kale oo sidii wax igu cusub noqday Taksi xiimaya, oo qofka wada aanan aqoon, in aan habeen madow raaco oo uu meesha aan u sheegto i geeyo.

Waan rumeysan la’ahay in xilligii aan doono aan tago makhaayaddii aan rabo oo ka cunteeyo ama ka qaxweeyo.

Jugtii yeerta hadda uma qaato in ay qarax tahay.

Waxaa iga yaraaday in aan ka cabsado qof aanan weligeey arag, waxna u dhimin.

Oo welibana, haddaan sidu sida ahayn, aan is shinsan lahayn oo wax is tari kari lahayn.

Horumar waxaa ka horreeya bedqab.

Allow Soomaali dhiiggeeda kala badbaadi.

Allow cadowgeedana ka badbaadi.

Waxaa Qoray Yuusuf Garaad

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured.
« »

Comment: