Calendar

Nin Beeraley ah oo Hal Mar Aroosey Laba Haween Oo ay ilmo Adeer Yihiin

Nin u dhashay dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Abdul Rahman Nayef al-Obeidi, oo 22 sano jir ah ayaa sameeyey mid ka mid ah sheekooyinkii ugu xiisaha badnaa oo ay si weyn saxaafadu u hadal hayso ka dib markii uu hal habeen la aqal galay laba haween oo mid ay isku da’a yihiin midna uu 5 sano ka weyn yahay

Nin oo ah Beeraley kuna nool tuulada Al-Laqlaq oo ku yaal waqooyiga magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq oo aheyd magaalada uu ka soo jeedey hogaamiyihii la daldalay ee dalka C iraaq Sadaam Xuseen ayaa sheegay in labada haweenka ah uu labadoodaba u qaaday Jacely.
Sheekadan la yaabka ku jira wuxuu yahay in ninkan labada haweenka ah ee uu halka habeen la aqal galay ay labaduna yihiin ilmo adeer oo ay dhaleen adeeradiis, waxaana arintan la sheegay inay sheeko iyo qosol badan ku reebtey dadka deegaankaasi

Haweenka Obeidi uu guursadey ayaa lagu kala magacaabaa Intidhar oo 17 sano jir ah iyo Suad oo 22 sano jir ah,w axaana arooskoodu uu ka dhacay deegaankaasi lixdii bishan April, sida ay soo warisay wakaalada wararka ee AFP

Xaflada arooskan ayaa waxaa ka soo qayb galey waalidiinta caruurska iyo caruusooyinka, qoysaskooda, & asxaabtooda iyadoo si weyn loo wada faraxsanaa yaabkuna aanu ka marnyn.
Obeidi, oo ah wiilka ugu yar qoys shan wiil ka kooban ayaa ku wargaliyey waalidiintiis go’aanka guurka uu ku doonayo in ku guursado labada gabdhood ee ilma adeerada yihiin, markii uu u sheegay waalidiintiisa waxay u muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin oo ay u taageersan yihiin go’aankiisa, inkastoo go’aankiisa ay si ba’an uga soo horjeedaan qaar kale oo ka mid ah qoyskiisa
Waxay igu qaadatey in ka yar hal bil inaan go’aanka ugu dambeeya gaaro, waayo labada qoys waa ehelkeyga, aniguna waan jeclahay labada gabdhood” ayuu yiri Obeidi oo intaasi ku darey in talaabadii ugu muhiimsaneyd ay aheyd sidii uu uga dhaadhicin lahaa go’aankiisa.
Intidhar oo ah gabadha yare e uu guursadey Obeidi oo ka sheekaynaysay sida Seygoodu ugu soo bandhigay qorshahiisa guurka ku saleysan ayaa tiri “Wuxuu ii sheegay in uu na guursan doono, aniga iyo Saud waliba hal habeen, maxaan kaloo dhahaa?, waxaan u sheegay in arintaasi ay fiican tahay, hadiiba uu labadeena si siman inoola dhaqmayo
Shareecada Islaamka waxay qabtaa in ninku uu guursan karo afar xaas laakiin ay tahay in uu xuquuqda ilaaliyo oo uu si siman ula dhaqmo marasho iyo masruuf ahaan.Docda kale Saud oo ah haweenayda kale ee ninkan uu guusraday waxay sheegtey in ay aad ula yaabtey markii Obeidi uu u soo bandhigay firkadiisa, waxayse sheegtey in ay ku qaadatey mudo dheer in uu iyada ku qanciyo arintaasi

Obeidi walaalkiis oo lagu magacaabo Salman ayaa la sheegay in uu door muhiim ah ka qaatey dhexdhexaadinta wadaxaajoodka labada qoys, isagoo ku guuleystey in uu rumeeyo riyadii walalakiis.
Nayef Hamid oo ah Aabaha dhaley wiilkan ayaa sheegay in uu aad ugu faanayo wiilkiisa, inkastoo uu yahay wiilka kaliya ee shantiisa wiil ee guursadey laba haween ah isku mar.
Hamid waxaa kale oo uu sheegay in uu taageerayo wiilashiisa kale hadii ay doonayaan inay guursadaan laba haween ah

Obeidi hooyadiis oo lagu magacaabo Rasmiya Mohammed waxay sheegtey in ay taageertey wiilkeeda, isla markaana aanay u dooneyn in uu murugoodo maadaama labada haween uu jecelyahay
Page facebook laga sameeyey oo la soo galiyey sawirka arooskan ayaa dadku siyaabo kala duwnas uga hadleen iyadoo inta badan raggu ay taageereen fikrikiisa halka haweenku ay aad uga soo horjeesteen.
“Ninkani waa geesi, ma jiro nin ilaa iyo hada sidaasi sameeyey oo aan ka aheyn isaga, ninkan waa in lagu soo qoraa buuga waxyaabaha mucjisooyinka ah ee Guinness Book of World Records,” ayuu yiri Ali Bassi Abbar oo ka mid ah dadkii fikradaha ka dhiibtey arintan
Laakiin gabadha lagu magacaabo Sara Yasser ayaa arinkaasi iyadoo ka hadlaya waxay qoraalkeeda ku tiri “Nin liita, ma dooneyn in uu midba haweenka qalbiga ka jabiyo, dhab ahaantii waa nin wanaagsan
Laakiin Sara Saad oo ka mid aheyd dadkii fikraha ka dhiibtey ayaa si ba’an u weerartey haweenka la aroosay waxayna tiri “Haweenay kasta oo aqbasha guurka caynkan ah ma leh wax dareen iyo sharaf ah

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: