Calendar

Özil oo lagu eedeyay in uu kala sooco ciyaartooyda muslimka ah iyo kuwa Kiristanka

Xiddiga Qaranka Germany iyo kooxda Los Blancos Real Madrid Mesut Mustafa Özil ayaa waxaa si aan qarsooneeyn loogu eedeeyay in uu yahay Xiddig cunsuri ah oo dhanka Diinta jecel kaliyah Laacibiinta ay isku Diinta yihiin .
18-kii Bishii Apriil sanadkaan aanu ku jirno ee 2012-ka Jaraaidka Bild Sport oo gudaha dalka Germany aad looga jecel yahay waxa uu qoray Maqaal uu ku fadeexeeyay Laacib Mesut Özil kaas oo ku sheegay Xiddig kala sooca Ciyaartooyda waliba Saaxiib ka dhigta kaliyah kuwa ay isku Diinta yihiin (Muslim) !!

Hadaladii Jaraaidka Bild waxaa ka mid ahaa kuwaan : ” Mesut Özil wuxuu la tababartaa oo la cunteeyaa kaliyah Ciyaartooyda Muslimka ah wuxuuna meel kasta u raacaa kaliyah Ciyaartooyda Islaamka ah balse Laacibiinta kale Salaanta oo kaliyah iyo kulanka Garoonka ayaa kala dhaxeeyo ”

Xiligii ay kooxda Real Madrid la joogeen Hamit Altintop oo hada dhanka Galatasaray aaday iyo Ciyaaryahan Nuri Kazým Sahin oo dhanka Fc Liverpool u wareegay waxaa la xaqiijiyay in uu Mesut Özil Saaxiib la ahaa kaliyah Laacibiinta kala ah Karim Benzema, Sami Khedira, Hamit Altintop iyo Nuri Kazým Sahin.

Sheekada Mesut Özil weey iska cadahay balse waxaa ka yaab badan Saxaafada daba dhigatay xiddigaan ee ku tilmaamtay Laacib kala sooco Ciyaartooyda saaxiibadiis ah waliba la fara ciyaara kaliyah xiddigaha Muslimiinta ah. Arinta ugu yaabka badan ee Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil lagu heeysto waxa ay tahay Xiddigaan oo la aalamiiteeyo lana fadhiisto kaliyah Laacibiinta Muslimiinta ah ee kooxda Real Madrid waa Weeraryahan Karim Benzema iyo ma daalaha Qadka dhexe Sami Khedira oo u safta Qaranka Germany balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: