Calendar

PSG oo usoo jeesatay labada Portugues

Sheikh sacuud bin cabdi raxmaan aal taani, gudoomiya olmpics-ka Qatar iyo garabka koowaad ee mulkiilaha kooxda Paris Saint Germain ayaa cadeeyay in Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho ay yihiin target  kooda ugu horeeya oy usoo jeedsanayaan dhinacooda, una soo jeedayaan si ay labadan u keenan kooxda PSG.

Waxa uu yiri cabdiraxmaan mar uu lahadlayay chanel-ka “Canal +” ee wadanka France maalintii axadii mar la waydiiyay in ciyaaryahanka Ronaldo iyo tababare Mourinho ay yihiin ujeedadooda koowaad ee mustaqbalka waxa uu ku jawaabay “ hadii aad masuul ka tahay koox, waa inad markasta daydaydaa waxa ugu fiican una soo jeeda sidaad u heli lahayd ood horumar u gaadhsiin lahayd kooxdaada, inaad lasoo wareegto ama aad soo iibsato ciyaaryahanada ugu fiicanina waa masuuliyadada”.

 

Sacuud waxa uu ku daray hadalkiisi “ Ibrahimovic waa hogaamiyahayaga imika, natiijoyiinkuna way soo fiicnaanayan sanadba sanadka ka dambeeya way soo fiicnaanaysaa,waananu isku dayi doona inaanu keeno Mourinho iyo Ronaldo” ayuu kusoo khatimay hadalkiisi

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Ciyaaraha [ Sports ], Sports.
« »

Comment: