Calendar

Puntland oo sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Rag katirsan Al-shabaab (Dhegayso)

Garowe_ Dowlada Puntland ayaa maanta shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay Rag katirsan Al-shabaab  , xili ay doonayeen inay ku biiraan kooxaha taabacsan Al-shabaab ee saldhiga ku leh buuraha Galgala.

Ragaan oo tiradooda lagu sheegay 20 nin ayaa lagasoo kala qabtay magaloyinka Bosaso, Garoowe iyo Gaalkacyo , kadib hawlgal ay sameeyeen ciidamada dowlada Puntland.

Arrintaan ayaa lagu shaaciyay  shir saxafadeed ay ku qabteen magaalada Garoowe wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore iyo talliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse, waxaana ay cadeeyeen inay gacanta ku hayaan qalab lagu qabtay ragani.

Wasiirka Amniga Xasan Aloore ayaa sheegay in lagu qabtay ragani qalab ka kooban walxaha Qarxa, Aqoonsiyo Been abuur ah, Lacago Falso ah  oo dhan 4 milyan  iyo Rumuutka qaraxa laga hago.

Wasiirka waxa uu xusay inay baaritano ku hayaan qaar kamid ah ragani halka qaarkood ay qiraal ku yihiin inay katirsan yihiin Al-shabaab, waxaana uu intaasi ku daray in sharciga la horgayn doono.

Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa docada kale usoo jeediyay bulshada Puntland inay kaa feejignaadan inay kusoo gabadaan Al-shabaab, isagoona cadeeyay inay hayaan xogo ku aadan in qaarkamid ah raga lasoo qabtay ay ka shaqaynayeen xarumo ganacsi oo ku yaala deegnada Puntland.

Puntland ayaa muddoyinkii dame ka feejigneed khatar uga timaada Al-shabaab oo dagaalo ka dhanka ah looga qabsaday deeganadii ay kaga sugnaayeen koonfurta iyo Bartamaha Soomaliya.

Hoos ka dhegayso shirka Jaraa’id ee Wasiirka Amniga Pl. Xasan Aloore

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Baratamaha.com

 

 

 

Comments

comments

Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: