Calendar

Puntland oo Taageeratay Maamulka Goboleedka koonfur Galbeed (Warmurtiyeed)

Dawlada Puntland Waxay soo dhawaynasaa doorashadii sida  nabadgelyada ah ku dhacday ee loogu doortay in uu H.E Maxamed Xaaji Cabdinuur noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya.

Dawlada Puntland waxay si diiran ugu hambalyeynaysaa shacabka koonfurta galbeed ee Soomaaliya ee samaystay maamul goboleedka cusub, maamulkaas oo si dhamaystiran oo cadaalad ah ay usoo doorteen dadka deegaanku. Dawlada Puntland waxay mar walba soo dhawaynaysaa nidaamka federalka ee ku imanaya rabitaanka shacabka soomaaliyeed in uu ka hirgalo gebi’ahaanba Soomaaliya, si loo helo xasilooni iyo nabad gelyo waarta oo ka taabaqaada Soomaaliya.

Shacabka reer Baydhabo ee martiqaaday suurtana geliyey inay ka hana qaado siyaasad cusub oo ku dhisan nidaamka federalka goboladaasi waan u hambalyeynaynaa, waana wax wanaagsan oo ay ku dayan karaan gobolada kale ee iyaguna hadhsan, waxaana rajaynaynaa in iyaguna ay dhabadaas qaadaan.

Dawlada Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa dhismaha iyo hor u socodka maamul goboleedka koonfurta galbeed ee Soomaaliya, waxaanu diyaar u nahay inaanu gacan ka siino waxii farsomo ah iyo waxii waayo aragnimo ah ee aanu dheernahay.

Dawlada Puntland waxay ku baaqaysaa si uu taabo qaado maamulka Koonfurta galbeed ee Soomaaliya in beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha  gacan iyo taageeroba siiyaan.

Waxaa lagama maarmaan ah oo dawlada Puntland ku baaqaysaa in sida ugu dhakhsaha badan loo anbaqaado nidaamka Federalka ah lana soo dhamaystiro maamulada  gobolada hadhsan si ay uga midnoqdaan maamul goboleedyada hadhsan ee u  baahan in la soo dhiso.

Waxaan ugu baaqaynaa dawlada fedaralka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba  inay fududeeyaan waxkasta oo abuuraya jewi wada hadal oo wanaagsan oo ay yeeshaan dhinacyada ka wada tirsan maamulka Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo maamul ku dhisan nabad buuxda iyo caddaalad.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: