read more »">
Calendar

Qaar ka tirsan Howl-wadeenadda wasaarada arimaha dibadda oo soo dhaweyn loogu sameyay Muqdisho [SAWIRO]

Qaar kamid ah howl-wadeenadda ka howl gala safaraadaha iyo qunsuliyadaha Soomaalida ay ku leehyihiin caalamka ayaa xaflad lagu soo dhaweyay loogu sameyay magalada Muqdisho.

Xaflada ayaa goob joog ka ahaa, wasiiradda arimaha dibadda, wasiiro ku xigeenadeeda, wasiir dowlaha wasaaarada, xoghayaha joogtada, agaasimaha guud iyo gudiga dib u habeynta wasaaradda.

Waxa goobta ka hadashey ra’isal wasare ku-xigeenka, ahna wasiiradda arimaha dibadda Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtey in loo baahan yahay in muuqaalkii dibadda ee Soomaaliya dib loo soo celiyo.

“ Diblomaasiyiintu waa inay la jaan-qaadaan isbadalka cusub ee dalka ka socda ,wasaaradeeduna waxa ay aheyd wasaaradaha ugu sareeya geeska Afrika , waxaanu dooneynaa inaan baabi’inno magac xumada Soomaalida loogu yeero ee ah argagaxiso iyo burcad badeed” ayay tiri Marwo Fowsiya.

Sidoo kale waxa ay raacisay “ Guddi Diblomaasiyiin ah ayaan u xilsaaray dib u habeynta howlaha Wasaaradda ,waxaana ay dib u qaabeynayaan howlaha shaqo iyo shaqaale ee Gudaha iyo Dibadda , waxa ayna dhaqan gelinayaan Sharciga shaqada Dibadda “ Foreign Service Law”, safaaraduhuna waxa ay ka mid yihiin cududa dowladda iyo indhaheeda, waa inaan ka soo dhalaalnaa kaalinteena”.

Wasiir dowlaha wasaarada arimaha dibadda

DAAWO SAWIRADDA

[slidepress gallery='qaar-ka-tirsan-howl-wadeenadda-wasaarada-arimaha-dibadda-oo-casho-loogu-sameyay-muqdisho']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: