Qadaafi wuu dhintay, Daawo muuqaalkii meydka QADAAFI (VIDEO)

Posted on Oct 20 2011 - 4:20pm by News Desk
Tweet
Pin It

Screen shot 2011-10-20 at 12.08.18 PMMadaxweynihii hore ee Liibiya Mucamer Al Qadaafi oo xukunka laga tuuray kadib markii kacdoono badani ay ka dhaceen dalkiisa ayaa maanta lagu dilay magaaladii uu ku dhashay ee Sirta oo taageerayaasjiisa ugu badani ay joogeen. Dagaal ba’an oo soconayay maalmihii ina dhaafay kadib ayaa maanta duhuradii ay xoogaga mucaaradku qabsadeen magaalada Sirta.
Mucamar Qadaafi ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah kuna jira meel god ah, Wararka ayaa sheegaya in Qadaafi uu dagaalka wax uga jiray lugahana laga dhaawacay markii la qabanayay isagoo uu dhinac yaalay askari daacad u ah oo meyd ah. Qadaafi ayaa ku dhaaran jiray inuu ku dhimanayo dalkiisa uusanna xukunka ka tagayn ilaa lagu kor dilo mooyaane.

Sida la soo sheegayo markii Qadaafi la qabtay ayaa wuxuu codsaday inaan la dilin, ciidamadii qabtay Mucamar Qadaafi ayaa la sheegay inay wejiga ka garaacayeen oo ay dhirbaaxooyin la dhacayeen, taasna waxaa caddeynaysa muuqaal teleefan loogag duubay. Wararkuna waxay intaas ku darayaan inuu noolaa markii gaariga la saaray Mucamar Qadaafi isagoo loosii waday magaalada Mizrata laakiin sababta uu ku dhintay la garan maayo inkastoo lagu qisaayo inuu dhaawaciisii u dhintay.