Calendar

Qalqalka iyo xasilooni daridda Garissa (SAWIRO)

Wararka aan ka helayno magalada Garissa ee waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in xaaladda magalada ay aad u kacsan tahay isla markaane ay jirto argagax badan.

Ciidamo badan oo kuwa military-ga Kenya ayaa magalada lagu daadiyey kuwaas oo la sheegay iney dhalinyaro badan ay la baxayn isla markaane ay daadiyeen wadooyinka, ayna ciidamada ku dul tumanayaan.

Wariyaasha ka soo waramaya Gaarisa waxa ay leehyihiin waxa ay magalada hada u egtahay goob dagaal, waxa jiro qiic madow oo magalada qabsaday iyadoona ay jirto xasiilooni daro ay jirto.

Gudoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya oo kazoo jeeda deegaanka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay iney tahay wax qalad ah in ciidamada military-ga ay galaan magalada.

“Howl shaqo oo leehyihiin ciidamada Booliska iney ciidamo military ay gacanta la galaan waa wax la rabo in dowlada ay ka jawaabto” ayuu yiri Faarax Macalin.

Faarax Macalin waxa uu sheegay in dad badan ay u wayn doonaan shaqooyinkooda isla markaane uu wasiirka Gaashaandhiga ay sugayso inuu su’aalo badan ka jawaabo marka barito uu furmo kulanka baarlamaanka.

Gubashada

Suuqa wayn ee magalada Gaarisa oo lagu magacaabo Suuq Mugdi ayaa gubanayo iyadoona la aqoon sababta dhalisay.

Ilaa hada ma jirto cid isku dayaysa iney damiso iyadoona ganacsatadii laheed suuqa aysen awood u laheen iney soo gaaraan goobta si ay iskugu dayaan iney dabka damiyaan.

Ciidamada ayaa u xeran tahay wadooyinka soo gala suuqa oo la sheegay in cidii ay arkaan iyadoo socota ay jirdil u geysanayaan.

Waxa kale oo gubanaysa warshad sameysa buraashka oo wali aan la dimin, isla markaane aan la aqoon sababta uu dabka ka dashey.

Xabado badan ayaa la maqlayaa oo magalada ka dhacaya oo sida ay leehyihiin dadka deegaanka ay ridayaan askarta.

Wariye u soo hadlayay BBC-da ayaa sheegay inuu arkay dad ku ganbanayay masaajid ay ciidamada garaacayeen.

Taliyaasha ciidamada ee jooga magalada ayaa ka gaabsaday iney arinta ay ka hadlaan.

Wariyaal doonayay iney tagaan goobaha ay dhibatada ka dhacayso ayaa la joojiyey oo ay askarta ay gacan ula tagayeen, sida uu sheegay mid kamid ahaa wariyaashaas oo ka howl-ga idaacada VOA-da.

Dadka ayaa kala xir-xiran oo aan is gaarin Karin, waxa kale oo la shegayaa iney jiraan caruur jirtey iskoolada oo wali ku xaniban maadama ay jirin isku socodka magalada.

Dowlada ayaa wali ka hadlin wax aka dhacaya magalada Gaarisa, waxana ay arintaan ka dhalatey markii manta la diley askar ka tirsan military-ga, kuwaas oo dadkii diley ay bara-baxsadeen.

Eeg sawiro ay soo daabaceen dad ku sugan gudaha – Shabakada Bartamaha ma xaqiijin karto xilliga iyo goobta laga qaaday sawirada:

[slidepress gallery='kenya']

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : KENYA, Wararka Maanta.
« »

Comment: