Calendar

qarax Ciidamada Kenya Lagula eegtay Xerada Ifo ee dalkaasi

Weerarkaani oo ahaa Weerar oo bambaano oo lagu Tuuray Ciidamo ka tirsan Buliiska Kenya ayaa waxa uu ka dhacay Xerada Qaxootiga ee Ifo ee dalkaasi Kenya.

Ciidamadaan oo Roondo ka waday Gudaha Xerada ayaa ay wateen waxaa lagu Tuuray Bambada Nuuca Gacanta Laga Tuuro iyadoo inta la xaqiiijiyay ay Ku dhaawacmeen illaa Seddex Askari oo Kenyan ah..

 Qaraxa kadib ayaa waxaa Goobta soo Gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka Kenya oo Howl Gallo halkaasi ka sameeyay dad u badan dhalinyaro ayey ka xeesteen sida wararka halkaasi Laga helayo ay Ku soo waramayaan.

Qaraxyada ka dhaca waddanka Kenya ayaa inta badan Lagu eedeeyaa in ay Ka dambeeyaan Xarakada Al Shabaab oo hary ugu hanjabtay in weeraro ay ka fulin doonto waddankaasi Kenya

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: