Calendar

Qarax lala beegsaday xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya

war degdeg ah bartamahaQaraxan oo la sheegay inay ku waxyoolloobeen qaar kamid ilaaladii xildhibaanada iyo dad rayid ah oo goobtaas ka agdhawaa ayaa ka dhacay xaafada Xamarwayne ee magaalada Muqdisho.

Waxaana wararku ay sheegayaan inay ka badbaadeen weerarka labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kuwaasoo la socday gaariga qarxay.

Qaraxa ayaa waxaa uu dhacay xilli xildhibaanadu ay baabuurka ka dagteen taasoo sababtay inay ka badbaadeen weerarka.

Alshabaab ayaa horay u sheegatay weerar ka dhacay kasoo horjeedka aqalka baarlamaanka, gaar ahaana daarada masaajidka isbahaysiga sannadkii hore, taasoo hal ruux oo rayid ah uu ku dhintay.

Inkastoo ammaanka Muqdisho aad loo adkeeyay maalmihii lasoo dhaafay ayay haddana muuqataa inay jiraan dulduleelo keeni kara inay Alshabaab weeraro qaadaan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: