Calendar

Qarax qasaara dhaliyay oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

bamBartamaha(Muqdisho):-Qarax sababay dhaawac Cioidan iyo dad shacab ah ayaa Xalay ka dhacay saldhig ay Ciidanka Dowlada ku leeyihiin Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa Xalay  laga maqlay gudaha Xerada Afisyooni oo ay daganyihiin Ciidamada Cusub ee dhawaan lagu soo tababaray Dalka Jabuuti halkaasi oo weerar bam gacm,eed ah lagu qaaday.

Qaraxa ayaa waxa uu ku dhacay gudaha Xarunta ay Ciidamada daganyihiin iyadoo la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray 3-askari oo askartii daganayd xerada ahayd sida ay sheegen saraakiisha Ciidamada.

Ciidamada ayaa waxa ay bilaabeen in ay rasaas ku furan wadooyinka iyadoo dhaawacay 2-dhalinyara ah oo ay uga shakiyeen masuuliyada qaraxii Xalay ka dhacay Degmadaasi.

Howlgal ayay saaka Cidiamada ka sameeyeen gudaha Xerada uu qaraxa ka dhacay oo qeyb ka mida ay dad shacab ah daganyihiin waxa ayna halkaais kala bexeen dhalinyaro ay shakki ka qabeen Ciidamada.

Shalay ayay ahayd markii qarax xoogan uu ka dhacay Wadada Makka al Mukarama oo qeyb ka ah Degmada Waabari oo Xalay qaraxa labaad uu ka dhacay wallow qasaaraha uu yahay mid yar.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.    

Comments

comments

Category : Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: