Calendar

Qaraxii Shaamow oo la xusayo [VIDEO]

Maanta waxa la xusayaa sanad guuradii 3-aad ee markii qaraxa lala beegsaday Hotel Shaamow ee magalada Muqdisho, halkaas oo ku dhinten 30-qofood dad ka badan, kuna dhaawacmeen tiro kale oo la mid ah.

Waxa ay aheed weerar guracan oo lala eegtey xaflad aad u qurux badneed oo ay ku qalan jabinayeen arday Soomaaliyeed kuwaas oo soo dhameystey Jamacad ay soo dhiganayeen muddo sanado ah kuwaas oo lahaay rajooyin badan oo nolosha.

Xafladaas ayaa isku badashey meel tacsi iyo murugo markii qarax uu ka dhacay, ayna dhiig, xubno go’ go’an iyo dhaawacyo ay isku badashey.

Dadka ku dhintey waxa ay iskugu jireen qeybaha kala duwan ee bulshada oo dhaqaatiir, arday, saxafiyiin iyo wasiiro kamid ahaa dowladii KMG kuwaas oo ahaa waxbarashada, aqoonta sare, Cayaaraha iyo caafimaadka kuwaas oo ahaa meelaha sida gaarka bulshada looga adeego.

Wasiiradda nafsadooda ku waayay xafladas waxa kamid ahaa Prof, Ibrahim Xasan Cadow oo ahaa wasiirkii waxbarashada sare iyo dhaqanka, Drs. Qamar aadam Cali, oo aheed wasiiradii Caafimaadka, Axmed Cabdullahi Waayeel oo ahaa wwasiirkii waxbarashada, Saleebaan Colaad Rooble oo ahaa wasiirkii waxbarashada.

Wariyaashii ku geeriyooday ayaa waxa kala ahayeen Xasan Subeyr Xaaji oo ka tirsanaa talevision-ka Al Carabiya, iyo Maxamed Amiin oo ahaa wariye ka tirsanaa idaacada Shabelle. Sidoo kale waxa ku geeriyooday Dr,Shaahid oo casharo ka bixin jirey jamacada Banaadir iyo dad kale oo qaali ahaa oo xafladda uga soo qeyb galay si ay dhalinyarada cusub ee qalin jibinaysay dhiira-galinaysay.

Kooxda Al Shabaab ee xiriirka dhaw la leh kooxda Al Shabaab ayaa lala xiriiriyey iney ka danbesay qaraxas iyadoona sheegaysa iney eeganaysay wasiiro ka mid ah dowlada oo ay ishayeen, halkaas oo ku baabi’iyeen indhaha cusub ee wanagsanaa ee usoo baxaysay umada Soomaaliyeed.

Hogaamiyashii dowladii markaas jirtey ee KMG iyadona dowlada ay amartey in baaritaano lagu sameyo sida ay u dhacday weerarkaas balse maa jirin wax natiijo ah o kazoo baxday ilaa xiligan oo ku aaday sida ay wax u dhacay.

Daawo Heestii Qeylodhaan

Dr. Cusmaan Maxamud Dufle oo la aaminsanaa inuu geeriyooady markii qaraxa dhacy balse ka baaday isaagoona xilliga qaraxa dhacayay jeedinayay qudbad uu ku dhiira-galinayay ardayda qalab jibinaysay.

Dufle oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya waxa u amisan yahay in 3-da December ay tahay maalinta ugu xun ee soo xasuusto, lana soo weeraray aqoonta iyo waxbarashada Soomaaliya.

Tan iyo 2009-kii Soomaaliya waxa ay aragtey weeraro aad looga xumaado oo lala eegtey dad muhiim ah oo kamid aheed weerarkii loo geystey wasiirkii Amniga dowladii KMG Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay wadanka Itoobiya Cabdi Karim Faarax Laqanyo dad kale oo tiro badan oo iskugujirey sarakiil cidanka, odayaal dhaqameedyo iyo shacab kale.

Mid kale oo aadna uxumaa waxa uu aha kii lala eegtey ardaay raadsanaysay waxbarasho dibadda iyaagoo Hargaha iyo Saamaha ku sugnaa, dad badan oo shacab iyo ardayna ay ku dhintee.

Kii ugu danbeyayna waxa lala eegtey maqaayadda Villge halkas oo ay ku sugnaayeen wariyaal iyo dad kale oo shacab ah oo meesha ku qaxweynayay, islaa markaane ay soo galeen kooxo waxyaabaha qarxa watey, halkaas oo ku naf  waayen dad ku dhaw 20-qofood.

Ilaah ha u naxriisto dadkaas Soomaaliyeed ee dadka wax ma garatada ah ay iskaga dileen sida doqonimada ku saleysan.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: