Calendar

Qaraxyo waawayn oo lagula beegsaday Muqdisho ciidamada dawlada Soomaaliya

qarax_muqdisho1Qaraxyo Miino aya sida la sheegay maanta waxaa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal  la hadlay warbaahinya Magaalada muqdisho ayaa sheegay in labo Qarax oo Miinada nooca dhulka lagu aaso lagula eegatay Ciidamada Dowladda Soomaaliay Bar Kontorool ay ku leeyihiin Xaafad Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid ee Magalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana la sheegay in Rasaas xoogan ay fureen qarax kadib inkastoo aan la ogeyn Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Rasaasaasi iyo Qaraxyada galabta Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliay lagula eegtay Xaafada Ceymiska ee Degmada Yaaqshiid.

Qaraxyadan ayaa imaanaya xili maanta madaxweynaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay aasaasitaanka gudiga amniga qaranka Soomaaliyeed.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: