Calendar

Qorshaha qaramada midoobay iyo rajada 2016 wadanka somalia

Wakiilka gaarka ah ee uqaabilsan qaramada Midoobay Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya uu iminka marayo iyo taageerada dowlada Soomaaliya ay siiyaan.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in Alshabaab ay iminka ay sii yaraanayaan aysana awoodin inay la dagaalamaan ciidamada AMISOM iyo ciidamad dowlada federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay xaalada magaalada Baydhabo oo uu sheegay inay dhankooda taagersan yihiin maamulka ay dowlada Soomaaliya ku qanacsan tahay oo ay isku raaceen IGAD, Midowga Africa iyo beesha caalamka.

Dhanka kale is aaminaadka dowlada iyo dalalka deeq bixiyaasha ayuu sheegay inay saameysay is casilaadii gudoomiyihii hore ee Bankiga dhexe Yusra Abraar, laakiin wuxuu sheegay inay sameeyeen dadaal dheeri ah.

Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho madaxbanaan, laakiin ka hor loo baahan yahay in baarlamaanka ay ansixiyaan qodobo muhiim ah.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: