Calendar

Rabshadaha Libya oo ka sii daray

r721753_5740260Diblomaasiyiinta Libya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa ku baaqay in Libya lagu sameeyo faragelin caalami ah.

Ku Xageenka Danjiraha ayaa ku baaqay in dadka Libya laga badbaadiyo waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ay dowaladdu waddo.

Waxaa uu ku baaqay in magaalada Tripoli ee caasimadda ah laga dhigo meel ka caaggan dayaaradaha, halkaas oo warar aan la xaqiijin ay sheegeen in ugu yaraan hal dayaarad uu kuwa dagaalka ah ay dad bannaanbaxaya rasaas ku rusheysay.

Wasiirka Garsoorka ayaa hore loo sheegay in uu is casilay.

Laba dayaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Libya ay leedahay ayaa si lama filaan ah uga degay jaziiradda Malta.

Duuliyayaasha oo labaduba ah Colonel waxay sheegeen in amar lagu siiyay in ay duqeeyaan dadka bannaanbaxaya.

Labaduba waxay wedyiisteen magangelyo siyaasadeed.

___

BBC Somali

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: