Calendar

Raggii Dumarka Kufsiga ugeysan Jiray Oo La Toogtay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa shalayto waxa ay dil doogasho ah ku xakunatay Laba nin oo lagu helay dinbo Kufsi ah

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Liibaan Cabi Yarrow, ayaa waxa uu saxaafada u sheegay sida uu dilka lo fuliyay iyo magacyada ragga latoogtay oo fulinta xukunkoodu uu kadhacay Dugsiga tababarka Police-ka ee General kaahoie.

Jamacaal Axmed Cabdulqaadir oo kamid ahaa ragga lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa lasheegay in uu ahaa askari Police ah kaas oo 5-tii bishiii 10-aad 2012-ka mawaadin Soomaliyeed ku khaarijiyay degmada Dharkenyley ee gobalka Banaadir kadibna uu maxkamada kahor qirtay.

Ruuxa labaad ayaa waxa uu ahaa Cabdi Cusmaan Cali (Magacan) oo horay uga tirsanaa Ciidanka xooga dalka, kaas oo lasheegay in 10-kii bishii 9-aad 2012-ka uu gabar Soomaaliyeed oo lagu magacabo Nuuro Cadow kufsi ugu geestay degmada Yaakhshiid ee gobalka Banaadir.

Fulinta xukunkaan ayaa waxa uu yadadiila cusub gelinayaa shacabka Soomaaliyeed oo ay dhibaato kuhayeen dilalka aan laga fiirsan iyo kufsiga haweenka lagula kacayo.

Waa markii ugu horeysay ee ruux haween Soomaaliyeed kufsi kula dhaqaaqay dil toogasha ah lagu xukumay tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliyeed uu shaaciyay in ladilayo ruuxii kuxad gudba sharafta haweenka Soomaaliyeed.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: