Calendar

Ragii ka danbeeye dilkii Ardayadii Nafisa Cusmaan oo maanta la toogtay

dilkiiFagaaraha Iskuul Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa saaka waxaa lagu toogtay labo ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dil Magaalada muqdisho loogu geystay Gabar Ardayad aheyd oo lagu magacaabi jiray Nafiso Cusmaan Salaad.

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fulisay xukunkaan dilka ah oo lagu fuliyay labo ruux oo ay maxkamada sheegtay inay qirteen dilka Gabadhaasi Ardayada aheyd.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow oo ka hadlay goobta dilkaan loogu geystay ayaa ku dhawaaqay in la toogtay Xasan Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xersi (Shataa) oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Nafiso Salaad Cusmaan.
Goobta dilkaan toogashada ah ay ka dhacday, ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Tuur Yare iyo Saraakiisha ciidanka Dowladda.
Maxkamada ciidamada Darajada koowaad ayaa ragaan horay dil ugu xukuntay, iyagoo ka qaatay racfaan, balse markii dambe maxkamada sare ee dalka ay xukunkaan ku raacday Maxkamada Darajada Koowaaad Xukunkaasi oo ahaa dil toogasho ah.
5-Apriil ayeey aheyd markii la dily Nafiso Cusmaan Salaad oo rag hubaysan ay gurigeeda kala baxeen.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: