Calendar

Raiisul Wasaaraha cusub oo la dhaariyay

Somalia Prime MinisterRaiisul Wasaaraha cusub ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa maanta loo dhaariyay xilka.

Xaflad ka dhacday xaruunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaariyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhaariyay Raiisul wasaaraha Cusub.

Xafladdaasi oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed ayaa hadal uu ka jeediyay waxa uu sheegay in Raiisul wasaaraha laga sugay inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka wax u qabata, isagoo baarlamaankana ka codsaday inay la shaqeeyaan, lana xisaabtamaan xukuumadda.

Xafladda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan baarlamaanka.

__

BBC SOMALI

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: