Calendar

Raila Odinga oo Soomaaliya usoo magacaabay la taliye cusub’ waa kuma shaqsigaasi?

Raysul wasaaraha wadanka Kenya Raila Odinga ayaa magacaabay la taliye cusub oo u qaabilsan dhanka Soomaaliya iyadoo magacaabistan ay soo baxday xilli madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku joogo Nairobi.

Xafiisk a raysul wasaaraha Kenya ayaa loo magacaabay Ibraahim Axmed Rashiid oo ah nin ka shaqeyn jiray dhanka hay’adaha samafalka ee Kenya, kana soo jeeda Soomaalida deegaanka Gaarisa.
Ibraahim Axmed Rashiid ayaa ka mid ahaa golaha fulinta ee xisbiga ODM ee raysyul wasaare Odinga. Wuxuu kaloo ka mid ahaa saraakiishii la soo shaqeysay guddigii dastuurka ee Kenya.
“Dhibaatada Soomaaliya waxay hadda sii noqoneysaa mid gobol.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Kenya.
Warbaahinta Kenya ayaa ku tilmaantay Ibraahim Axmed Rashiid inuu ahaa nin wax badan ku dhexjiray arrimaha Soomaalida oo uusan ahayn nin ku cusub qadiyada Soomaalida.
Magacaabista Ibraahim Rashiid ayaa soo baxday xilli dalka Kenya ee ku sugan yahay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulamo la qaatay madaxda wadanka Kenya.
Kulankii dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Jimcihii ayaa shaaca looga qaaday in labada dawladood ay yeelanayaan iskaashi buuxa isla markaana dib loo soo celinayo guddi farsamo oo wadajir ah oo horey loo sameeyay sanadkii 2005.
Waxaa hadda muuqata in xilkii laga qaaday la taliyihii hore ee xafiiska raysul wasaaraha Kenya Ilyaas Barre Shiil oo qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya. Ma cadda sababta xilka looga wareejiyey Mr Shiil.
Sanadkan kaliya ayaa Ilyaas Barre Shiil isagoo ka wakiil ah raysul wasaaraha Kenya wuxuu booqashooyin ku tagay Muqdisho iyo Hargeysa halkaasoo uu wada hadalo kula yeeshay madaxda siyaasadda. Xilligii ay soo dhowaayeen doorashooyinka, wuxuu Ilyaas Barre ka mid ahaa dadkii u ololeynayey in jagada raysul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabo Dr, C/weli Gaas inkastoo aysan fulin.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: