Calendar

Ra’isal Wasaare Saacid oo sheegay in Caalamku uu u soo Jeestay Taageeridda dowladda

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo Warfidiyeenka kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Caalamku uu u soo Jeestay Taageeridda Dowladda Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in Taageerada Caalamka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka dambeysay Markii dowladdu ay soo bandhigtay wax qabad ay ku qanci Karaan dhamaan Beesha Caalamka.

Saacid  ayaa dhinaca Kale ugu baaqay wadamada weli aan u soo Jeedin in ay ka qayb galaan Taageerada Soomaaliya ayna ku daydaan dowladaha asaagooda ah ee Taageerada wacan u fidinaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan Ra’isal Wasaarahaa ayaa waxa uu ku soo Beegmayaa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xiriiro kala duwan la sameyneyso waddamo badan oo kuwa Caalamka ah kuwaasi oo soo dhaweyn ballaaran u fidiyay dowladda Sooamaliya.

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: