Calendar

Ra’isal Wasaare Saacid waan dhowreynaa X/insaanka

Bayaan uu soo saarey Wasiirka kowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayuu ku faahfaahiyey sida xukuumaddiisa ay uga go’an tahay dhawrsita iyo daryeelka xuquuqda dadka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay Muqdisho ka socoto Maxkmad la saarayo gabadh sheegtey in la kufsadey iyo weriyihii banaanka soo dhigey qaddiyadeeda, taas oo soo jiidatey indhaha caalamka gaar ahaan ururada Xuquuqda iyo dalalka kale ee Caalamka kuwaas oo daneeya arrimaa Soomaaliya.

Wasiirka Kowaad ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo tixraacaya Dacwaddii maalintii shalay (Sabti) la horgeeyey Maxkmadda Goboka Banaadir, ayuu sheegey Saacid madaxbanaanida garsoorka Soomaaliya, sida dalkasta garsoorkiisu u madaxbanaan yahay ayaan la faro gashan karin kan Garsoorka Soomaaliyana, Saacid ayaa sheegay in ay dhawrayaan go’aanka soo bixi doona maalinta Salaasada ah oo dib loogu dhigey dacwaddan, waxaana uu ballan qaadey in ay markaas eegayaan qaabka ay wax u dhaceen iyo meelaha u baahan in garsoorka laga hormariyo.

Wasiirka Kowaad ayaa sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed iyo sharciga dalkaba meel aysan uga banaaneyn kufsiga uuna yahay wax ceebaysan, waxaana Raysalwasaaruhu ugu baaqey dhamaan gabdhaha dhibtan la kulma in ay soo baxaan oo ka warbixiyaan dhibta ay la kulmeen si loo baaro oo caddaaladda loo horgeeyo.

Cabdi Faarax Shirdoon Wasiirka kowaad ee Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed oo dhibaato badan soo gaartey, Saxaafad madaxbanaan waa wadnaha dimoqraadiyadda waxaana naga go’an in aan ilaalino xuquuqda suxufiyiinta, ayuu yiri Saacid.

Wasiirka kowaad oo mar kale ka hadlaaya dacwadda gabadha sheegtey in la kufsadey iyo weriyaha waraystey ayaa sheegay in markii la xireyba ay meel cad iska taageen in aan qofna la hayan karin iyada oo aan maxkmadd la soo taagin, waan la qabnaa wel-welka saaxiibadayada beesha caalamka, laakiin waxaan ilaalinaynaa Qaranimadayada, sharcigii Muqdisho ka jiri jirey wuxuu ahaa qoriga AK47 ee Ruushka lagu sameeyo, maantana maxkmad iyo caddaalad ayaa jirta ayuu yiri Saacid.

Ugu danbeyntii Raysalwasaaraha ayaa ballan qaadey in ay dhisayaan Koox Shaqo kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay ka hortagaan shaqaaqooyinka ka dhanka ah haweenka iyo werarda loo geysto suxufiyiinta waxaana xubno ka noqon doono, dad ka kala socda Hay’adaha xuquuqda aadanaha, Saxaafadda, Booliska iyo qaybha kale ee Bulshada.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: