Calendar

Raisul wasaaraha Somalia oo safar ku kala tagi doona dhowr wadan oo ay kamid yihiin..

Bisha May bilow geeda ayaa Raysal wasaaraha Dowlada Soomaaliya Mudane Cadiwali Sheikh Axmed wuxuu bilaabayaa safaro shaqo oo uu ku aadayo Wadamada Dariska qaarkood iyo Puntland, Sida ay warka ku heleen Howlwadeenada warbaahinta bartamaha.   Raysal wasaare Cabdiwali Shiikh wuxuu 3 ama 4 may booqanayaa Kenya,waxaa kaloo laga yaabaa inuu Itoobiya ugasii gudbo.

Safarkii bishaan April uu Raysal wasaaruhu ku aadi lahaa Puntland ayaa u baaqdey howlo la xiriira safarkiisii Kismaayo oo ka dheeraadey wakhtigii loo qoondeeyey iyo waliba Madaxweyne Gaas oo ay saamixi waydey inuu qaabilo Raysal wasaaraha xiligaas waayo Madaxweyne Gaas wuxuu isna aad ugu mashquulsanaa Howlo xukuumada Puntland aad muhiim ugu ahaa oo uu kadwadey Gobolada Puntlan.

Wararka aan hada helney waxay sheegayaan in Safarka Raysal wasaaraha uu Puntland ku tagi doono Marka uu kasoo laabto Kenya.

 w/q  said abdi   [email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: