Calendar

Ruushka oo sheegay in mucaaradka Siiriya ay guuleysanayan

Wakiilka wadanka Ruush-ka ee bariga dhexe ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka ay dhul badan ay ka qabsanayaan dowlada Siiriya taas oo horseedi karta iney ka guuleystaan dowlada madaxweyne Bashar Al-assad.

Hadalkaan waxa iclaamiyey ku-xigeenka wasiirka arimaha dibadda Mikhail bogdanoc isagoona imanaya markii sarkaal sare oo Nato uu sheegay maalintii Khamiista inuu aamisan yahay in dowlada Assad ay kudhaw dahay iney “burburto”.

Bogdanov waxa uu shegay in Ruush-ka uu qorsheenayo inuu shacabkiisa kazoo qaado wadanka Siiriya hadii ay muhiim noqoto.

“Waa inaan fiirinaa dhabka aan wajaheyno” ayuu Bogdanov u sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA “Dowlada Siiriya waxa ay luminaysaa maamulkeeda, marba, marka xiga”.

“Nasiib daro, ma oran karno kooxaha mucaaradka Siiriya ayaa guuleystey”.

Hadalkiisa ayaa u muuqanayo iney dowlada Moscow ay isku diiyarinayso macquul galka in laga awood roonaado dagaalka ay ku jirto dowlada Assad taas oo ku dhinteen dad ka badan 40,000 kun oo qofood tan iyo markii uu bilawday March 2011 sida ay leehyihiin bulshada rayidka.

Russia ayaa ah wadanka dowlada Assad ka hor istaagsaneed iney kusoo rogto cuna qabateeno, taas oo u olaleynayeen wadamada galbeedka in awooda laga tuuro.

Xog-hayaha guud ee NATO ayaa sheegay In dowlada Assad ay ku dhaw dahay iney burburto, waxana uu cambaareyay in xoogga Assad u isticmaalayo madaafiicda Balastic-adda kooxaha mucaaradka inuu ku weeraro.

“waxa is leehyahay maamulak Damascus waxa uu wajahayaa inuu burburo” Anders Fogh Rasmussen ayaa u sheegay wariyaasha markii u la kulmey Ra’isal wasarha Dutch-ka, xaruntooda Brussels.

“Hada waxa isleehyahay Su’aasha kaliya waa xiligge” ayuuna raaciyey.

Dhinaca kale, hogaamiyaha cusub ee kooxaha mucaaradka Siiriya ay ku mideysan yihiin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadka Siiriya aysen u baahneen fara galin galin caalamia h in lagu tuuro Assad, isagoona sheegay in kooxaha mucaaradka ay ku dhaw yihiin bartamaha caasimadda Damascus.

Intii uu socday shirkii “Saaxiibadda Siiriya” ee kadhacayay Marrakech ayaa wadamo kor u dhaafayo 100 waxa ay si rasmi ah u aqoonsadeen ururka ay ku mideysan yihiin mucaaradka cusub ee Siiriya inuu yahay “matalaha rasmiga” ee wadanka taas oo wado cusub oo cawinaad u fureysa iney helaan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : World News.
« »

Comment: