Calendar

RW Cabdiweli Sheekh: “Mooshinkaan sharci darrada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socodka hiigsiga 2016″

the pm somalia

Muqdisho (BARTAMAHA) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, oo caawa war- murtiyeedeed uu ka soo saaray xaaladda dalka uga waramay marxalada siyaasasadeed ee hadda taagan, caqabadaha uu mooshinku ku keenay hiigsiga 2016, iyo kala qaybsanaanta uu ka dhex abuuray golaha shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayey saxaafadda ayaa wuxuu tibaaxay in uu doonayo shacabka Soomaaliyeed in uu la wadaago qodobadaan soo socda:

1. 25.10.2014 waxaan soo saaray isku-shaandhayn kooban ee xubnaha golaha wasiirrada: Isku shaandheyntu waxay ku salaysanayd awoodaha dastuurku isiinayo ee ku xusan qodobka (100) xarfaha (a) & (b). Iskushaandhayntaas waxaana loola jeeday:

In la dar-dar geliyo hawlqabadka golaha wasiirrada. Gaar ahaan, waxaan ula jeeday xal-u-helidda khilaaf soo kala dhexgalay hay’adda garsooka iyo wasaaradda caddaaladda iyo dhaliilo ka jiray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arimaha Dibedda.

1. Isla 25.10.2014, nasiib darro, war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha waxaa lagu sheegay in go’aankii Raisul wasaaruhu aanay waxba ka jirin, wuxuuna madaxweynuhu amray Wasiiradii ay khuseysay isku-shaandhayntaas in aanay u hoggaansamin amarkaas, Warka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha wuxuu si cad uga horimaanayaa dastuurka dalka qodobka aan horey ku xusnay iyo kala madaxbanaanaashaha heyadaha dastuuriga ah.

2. Intaa waxaa ka dambeeyey in madaxtooyada laga soo abaabuliyey mooshin sharci darra ah oo ka dhan ah xukuumadda. Mooshinkaas oo aan xiriir la lahayn dhaliilo loo soo jeedinayo waxqabadka xukuumadda, laakiin sallkeedu yahay wasiir la saaxiib ah madaxweynaha oo wasaarad kale loo wareejiyey.

3. Mooshinkas oo xildhibaano badan iyo bulshoweyn Soomaaliyeed ay u aqoonsan yihiin inuu sharci darro yahay loona adeegsaday musuqmaasuq wuxuu keenay kala qaybsanaan ballaaran ee Golaha iyo haydaha kale ee dalka, waqti ay muhiim tahay midnimada hoggankeena, hayadaheena iyo dadweynaheenaba.

4. Mososhinkaan sharci darada ah wuxuu caqabad ku noqday geeddi socoka higsiga 2016.

5. Labo jeeroo hore ayaa mooshinlka, si aan waafaqsanayn habraaca baarlamaanka, loogu bandhigay Baarlamaank. Balse, waxaa xildhibaanadu si cad u diideen in mooshinkaas sharci darda ah ee halista gelinaya midnamdeena iyo jiritaanka hayadaheena la horkeeno golaha. Xildhibaanadu waxay si aan kala go’lahayn ugu soo jeedinayeen madaxweynaha iyo shakhsiyaadka kale ee ka shaqaynaya mooshinka in danta dadka ay eegaan kana joogsadaan hawlaha socda ee dalkeena u horseedi kara dib u dhac iyo bur bur. Waxbase lagama maqlin xildhibaandaas. Baaqyo la mid ah kuwaas oo ka soo baxayey dadweynaha iyo umadaha daneeya Soomaaliya ayaa iyagana dhegaha lagu furaystay.

6. Maanta, 24.11.2014, waxaa dhacay isku day kale oo la doonayey in la dhinac maro xeerka u deggan golaha shacabka. Waxaan bogaadinayaa xubnaha golaha oo ka hortagay isku daygaas xaqdarraada ah. Waxaan ka xumahay dad masuuliyaddii lagu aamainay u isticmaalaya dano gaar ah.

7. Waxaan amaanyaa dadaaladii guddoonka golaha shacabka ku doonayeen ee ahaa in khilaafka lagu xaliyo wadahadal si loo badabaadiyo midnimada gollaha., taasoo anigu mar walba aan diyaar u ahay, hase yeeshee ka hirgeli waayey dhinaca madaxweynaha.

8. Waxaan soo dhaweynaynaa tilmaantii Guddoonka Golaha Shacabka oo ahayd in mooshinkaan sharci darada ah uu caqabad ku yahay hawlihii sharci dejinta iyo dhismaha hayadaha dowladda ee ay isku afgarteen golaha fulinta iyo Golaha Shacabka muhiimkana u ahaa higsiga 2016.

9. Waxaan sidoo kale soo dhaweynayaa goa’aanka guddonka golaha shacabka oo mar walba u taagan in arrintaan lagu xaliyo wadahadal iyo isafgard ka baxsan mooshin kala qaybinaya golaha.

Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee sharafta leh in ay u midoobaan ilaalinta dastuurka iyo sarraynta sharciga.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: